Sarkaal Ka Tirsan DF oo Lagu Dhaawacay Jawiil Iyo Xiisad Ka Jirta Baladweyne.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in dhaawac culus loo geystay sarkaal ka tirsanaa maamulka Baladweyne.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Axmad Sheekh kana tirsan qeybta maaliyadda ee magaalada Baladweyn ayaa waxaa lagu dhaawacay degaanka Jawiil oo magaalada u dhow.
Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in dhaawaca sarkaalkan uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada DF kadib markii muran soo soo dhex galay.
Sarkaalka ayaa waxaa loola cararay isbital isagoo ay xaaladdiisu liidato. Arrintan ayaa kusoo aaday iyadoo ay maalintii labaad xiisad ka taagan tahay magaalada Baladweyne ka dib markii uu shalay hogaamiyaha Hir Shabelle xilkii ka qaaday Yuusuf Daba Geed oo ahaa gudoomiyihii gobolka Hiiraan.
Saraakiil iyo ciidamo gaar u taabacsan Dabageed ayaa dhaqdhaqaaqyo ka wada magaalada waxaana ay handadayaan maamulka qeybihiisa taabacsan Waare.
Lama oga sida uu ku dambayn karayo xaalka magaalada Baladweyne.