Siday ii saameysay Shaqada aan u hayay Ciidamada Maraykanka?!(Dhagayso)

Ciidama Maraykan ah.

Maalmo kahor, inta aan la gaarin fasaxaha sanadla ah ee ay galaan shacabka Maraykanka, waxaa barta twitterka ee ciidanka Maraykanka lasoo dhigay su’aal ahayd, “ Saameyn noocee ah ayaad la kulantay intii aad katirsaneyd ciidamada Maraykanka?

Inkastoo sida muuqata jawaabta su’aashan ay filaysay wasaaradda Pentagonka in dadku ay soo bandhigaan hadallo faan ah oo la xiriira howlgallada ay Maraykanku ka wadaan wadamada muslimiinta, hadana jawaabaha laga bixiyay waxay noqdeen kuwa arggagax iyo shoog leh, markalana muujisay sida ciidamada Maraykanka ay qaati uga taaganyihiin dagaalka ay kaga jiraan caalamka Islaamka.

Tobanaan kun oo qof ayaa ka jawabay su’aashan, intooda ugu badanna waxay soo gudbiyeen sheekooyin iyo qisas argagax leh oo qabsaday ciidamada Maraykanka, ee dagaallada kaga jira caalamka Islaamka.

Askari Maraykan ah oo ka qeybgalay dagaallada Afqanaistaan iyo Ciraaq Maraykanku kaga jiro ayaa yiri “ dagaalladaas waxay igu keeneen dhibaatooyin adag, taas oo aan la noolahay illaa iyo maanta”.

Maraykanka ayaa Afqaanistaan ku duulay sanadki 2001-da, halka uu Ciraaqna ku duulay 2003-di, waxaana dowladda Maraykanku ay ku weysya dagaalladan kumanaan askari, halka kumanaan kalana ay dhaawacyo yihiin, waxanaa intaaas kabadan dadka ay soo gaareen waxyeellada la xiriirta xaga maanka iyo caqliga.

Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan jawaabaha laga bixiyay su’aasha lagu qortay barta Twitterka ee ciidamada Maraykanka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.