Sidee buu u dhacay Afgembigii wadanka Suudaan? (Dhagayso Warbixin)

Markii ugu horeysay waxaa la helay macluumaad iyo xogo cusub oo ka waramaya sida uu u dhacay afgembigii talada looga tuuray Cumar Xasan Al-bashiir, madaxweynihii hore ee wadanka Suudaan, waxaana macluumadan laga helay ilo kala duwan oo katirsan golaha milliteriga, kuwaas oo si gooni gooni ah ula hadlay telefeshinka Aljazeera.

Qorshaha afgembiga ee Al-bashiir waxaa lagu dejiyay gudaha gaari dagaal, waxaana adkeyd in  arinkaas shirar caadi ah looga hadlo, cabsi laga qabay awgeed in warka uu gaaro madaxweynaha, kadibna uu tallaabooyin qaado.

5-tii bisha April oo ahayd maalinnimo jimco ah ayaa kulan ballaaran wuxuu ka dhacay xaafadda Kaafori, oo ay deganyihiin inta badan masuuliyiinta talada haysa, wxaana kulanka ragga kasoo qeybgalay kamid ahaa Cumar Xasan Al-bashir, kaas oo si lama filaan ah ragga kulanka kasoo qeygalay u waydiiyay Aawey Xamiidtii, oo hadda ah ku xigeenka madaxa golaha milliteriga.

Waxaa jiray kala aragti duwanaansho u dhexeysay Xamiidtii iyo madaxa ciidanka qalabka side, balse Albashiir walwal badan kama muujin arinkaas, balse wuxuuba u arkayay iney dani ugu jirto, waxaana dhici karta inuu kamid ahaa ragga hurinayay.

Maalintii xigtay ee Sabtida, saraakiil katirsan ciidamada Amaanka ayaa ka hor leexday dadka bananbaxyada ka dhigayay qeybo kamid ah magaalada Al-khardhuum, waxaaana dadkii u suragashey iney soo buux dhaafiyaan afaafka hore ee taliska guud ee ciidanka milliteriga.

Arintani waxay ahayd qodob hor leh oo kiciyay khilaafaadka u dhexeeya milliteriga iyo madaxweynaha, waxaana Al-bashiir ka go’neyd inuu adeegsado awoodiisa kama dabeysta ah, si uu uga fadhiyo kursiga madaxtinimada.

Isniintii, waxaa madaxweynaha kulan la yeeshay wasiirka arimaha difaaca Ciwad bin Cowf, iyo taliyaha ciidamada Kamaal Cabdil-macruuf, waxaana ay si dadban ugala hadleen suurtagalnimada in madaxweynaha uu jagada baneeyo, si loo dejiyo carada shacabka.

Qaabka ay saraakiishani madaxweynaha ugu gudbiyeen aragtidooda wuxuu aha qaab diblumasiyadeed, balse Al-bashiir ma muujin xamaasad ku aadan arinkaas, wuxuuna u arkay iney tahay ixtimaal aan meesha ku jirin.

Maalinba maalinta xigta, waxaa aad usoo badanayay dadka bananbaxyada ka dhigaya afaafka hore ee xarunta dhexe ee ciiidamada, waxaana lagu duul darreystay qorshyaal lagu doonayay in la eryo, sababo ku aadan dadka oo adkeysi muujiyay, iyo saraakiisha dhex iyo kuwa yar yar oo la tacaadhufey dadka shacabka ah.

9-kii April oo ahayd maalin Talaado ah, waxaa uu Cumar Al-bashiir dib ugu laabtay hogaamintii xisbigiisa oo maalmo kahor uu ku wareejiyay Axmad Haaruun. Kulanka oo ahaa mid ballaaran waxaa uu intiisa badan ahaa mid dhinacyadu ay isku dhaleeceynayeen.

Halkan ka dhagasyo Warbixin Sida uu u dhacay afgembigii Suudaan.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.