Sodomeeyo Askari oo lagu dilay howlgal ka dhacay wadanka Afqaanistaan.
Ciidamo katirsan Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa duulaan ballaaran ku qaaday mid kamid ah degmooyinka gobolka Qazni ee wadankaas.
Weerarka oo ahaa mid xoogan, jihooyin kala duwanna laga qaaday waxaa uu soconayay in muda ah, isagoona dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Goobjogayaal ku sugan degmada Dah Yak oo ah halka uu dagaalka culus ka dhacay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacan ku heynta degmada laga fara maroojiyay ciidamada xukuumadda Kaabul.
Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Dhaalibaan ayaa isku fidiyay xarumihii uu ku shaqeynayay maamulka ee degmada, waxaana baxsaday askartii xukuumadda Kaabul.
War kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxaa lagu sheegay in ugu yaraan 35 askari lagu dilay dagaalkan, dhanka Mujaahidiintana aanu wax khasaare ah soo gaarin, magaaladana ay ku jirto gacanooda.
Howlgalkan ballaaran ayaa qeyb ka ah camaliyaadka Al-fataxi oo si firfircoon kaga socda guud ahaan dalka Afqaanistaan.