Tobanaan Askar Itoobiyaan ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Baay.
Wararka kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan gobolka Baay lala eegtay qaraxyo xoogan oo khasaare ba’an dhaliyay.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku safrayay wadada isku xirta deegaanka Awdiinle iyo degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa qarax culus lala eegtay, waxaana gebi ahaanba burburay gaari Uuraal ah oo u ku rakibnaa qori Zuug ah.
11 Askari oo Itoobiyaan ah oo saarnaa gaariga la qarxiyay ayaa goobta ku quur baxay, waxaana gebi ahaanba basbeelay gaariga, iyadoona askarta saarneyd ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen.
Qarax kale ayaa saacad kadib qaraxa koowaad, waxaa Xabashida lagula eegtay inta u dhexeysa Awdiinle iyo Baydhabo, ciidamada Itoobiyaanka oo meydad iyo dhaawacyo wata ayaana caawa ku hooyana wadada.
Xabashida Itoobiyaanka ayaa duulaan ku jooga qeybo kamid ah dalkeena Soomaaliya, waxayna had iyo goor la kulmaan weeraro dhiig bixin ah oo uga imaanaya dhinaca Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Markaan xabashka geeridi maqlaan dhabu maqsuudaaye
Maydad kooda goortaan arkaan dhabu madiixaaye
Muxubadan shabaab kaw qabaan maqnsadeed tirine
Miijiyoo qurjara gawrocoo mariya baaruuda
Waana mahad Ilaahay kufriga mahadhadii gaartay