Wadooyinka Caasimadda Muqdisho oo Xiran.

Waxaa gebi ahaanba la xiray inta badan wadooyinka halbowlayaasha ah ee ku yaala magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha noocyadiisa kala duwan.

Wadooyinka ayaa lasoo dhoobay ciidamo hubeysan oo katirsan dowladda, kuwaas oo diidaya noocyda kala duwan ee gawaarida, oo ay ku jirto moota bajaajta oo si aad ah looga isticmaalo Muqdisho.

Ardeyda, dadka shaqooyinka u kallahaya iyo dhamaan bulshada ayaa la arkayay iyagoo lugeynaya, taas oo ay ka muujiyeen culees ballaaran.

Dadka reer Muqdisho ayaa sheegaya in wadooyinka oo horay u xirnaa hadda lasii xiray, ayna adagtahay iney kusii jiraan xaaladan.

Dhawaan ayaa taliska Police-ka dowladda federaalka war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in la xiri doono guud ahaan wadooyinka Muqdisho, inta ay socdaan dabaaldegyada loogu magacdaray maalmaha xurriyadda.

Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha dowladda ayaa markii uu musharraxa ahaa waxa uu ballanqaaday in haddii la doorto aysan jiri doonin wado xiran, taas bedelkeeda wuxuu Farmaajo wadooyin horey u furnaa.

You might also like
2 Comments
  1. Abufatima says

    Wadadiyo jid kuu idin ka xiro saw xoriyad maahan
    Xabash waa walaal keen gacala xeerku sae maahan
    Xamaaliga turkaan siinayaa xaqiyo cadaal weeye

    1. Abufatima says

      Soomaalida xaqa diidan
      Xarakada an taageerin
      Jihaadka xoola an kubixin
      Wadaadada xalane jecel
      Sidee nabad ku xasishaa
      Hadaan xaqa diidanahay
      Xumaanta kudhiiranahay
      Xiriirka eebe anu wacnayn
      Sidee nabad ku xasishaa

Leave A Reply

Your email address will not be published.