Wasaaradda Gaashandhiga Maraykanka Oo la la’yahay cid hogaamisa.

Maraykanka oo dadka Aqoonyahannada ah ku sheegaan inuu yahay wadan dagaal quute ah ayaa dhowr bilood oo xiriir ah wuxuu la la’yahay cid si toos ah u qabata xilka wasaaradda arimaha gaashandhiga oo ah wasaaradda qaabilsan dagaallada uu Maraykanku kaga jiro Caalamka.

Sii hayaha wasaaradan oo lagu magacaabo Shanhan ayaa diiday in si toos ah loogu dhiibo xilka wasaaradda, waxaana arinkan xaqiijiyay madaxweyne Trump oo ku jah wareersan shaqada wasaaradda Gaashandhiga ee Pentagon.

Trump oo hadlay wuxuu sheegay in Shanhan uu ka diiday inuu si toos ah ula wareego xilka wasiirka gaashandhiga, taasina ay keeneyso in rag kale la raadiyo.

Wasiirkii hore ee gaashandhiga ayaa xilka isaga degay, kadib markii uu sheegay in Donald Trump aanu kala tashan go’aankii uu sheegay in ciidamadiisa uu kala soo baxayo wadanka Suuriya, waxaana tan iyo xilligaas banaan shaqada wasaaradda gaashandhiga.

Hadda, Donald Trump wuxuu isku dayayaa inuu magacaabo wasiir cusub oo shaqada wasaaradan la wareega, waxaana sharxan dhowr qof.

Inta badan wasaaradan oo ay horey siyaasiyiinta Maraykanku u jeclaayeen in loo dhiibo ayay hadda iska diideen, sababo ku aadna dowladda Maraykanka oo ku fashilantay dagaallada ka socda caalamka gaar ahaan wadanka Afqaanistaan.

Masuul welibana wuxuu ka cararayaa in isaga dusha laga saaro jabka ciidamada Maraykanka, marka lagu dhawaaqo in si toos ah ay uga soo baxayaan wadamada muslimiinta ee ay ku duuleen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.