Xaaladda Caafimaad ee madaxweynaha Tuunis Oo laga deyrinayo.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada dowladda Tuunis, waxaa laga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee madaxweynaha wadankaas Qaa’id Sibsi, kadib markii uu xanuun lama filaan ah kusoo booday.
Qaa’id Sibsi ayaa la dhigay isbitaalka milliteri ee magaalada caasimadda ah, waxaana la taliyihiisa dhanka warfaafinta uu qoraal uu soo dhibay bartiisa facebooka uu ku sheegay in xaaladda madaxweynaha ay aad u liidato.
Firaas Qafraash oo ah la taliyaha dhinaca warfaafinta ee Qaa’id Sibsi ayaa xaqiijiyay xaaladda liidata ee soo wajahday madaxweynaha, waxaana taageeriyaashiisa uu ka codsaday iney usoo duceeyaan.
Qaa’id Sibsi ayaa ah madaxweyne cilmaani ah oo dagaal cad kula jira diinta Islaamka, waxaana lagu xusuustaa hadalladii uu jeediyay markii uu noqday madaxweynaha, oo ay kamid tahay iney siman yihiin ragga iyo dumarka.
Wuxuu sidoo kale xilligaas sheegay inaaney wax shaqo ah ku lahayn Qur’aanka iyo diinta, dowladiisana ay tahay mid cilmaani ah, waxaana hadalkaas aad uga horyimid muslimiinta Tuunis.
Sibsi ayaa oday waayeel 94 sano jir ah, waana siyaasi u dhega nugul reer galbeedka, kuna ad adag muslimiinta.