Al-Qaacida oo ka hadashay Shirkii Al-baxreyn ee lagu xaraashayay Filastiin.(Bayaan)
Mu’assasada As-saxaab, garabka warbaahineed ee Qaacidatul Jihaad ayaa baahisay bayaan uu ku saxiixnaa hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida, kaas oo looga hadlay shirkii dhawaan kusoo idlaaday magaalada Manaama ee caasimada dalka Al-baxreyn, kaas oo ka dhignaa shirqool horleh oo la doonayo in lagu xaraashayo dhulka Filastiinta muslimka ah.
Bayaankan oo ciwaan looga dhigay “Qudus waxay mideyneysaa Muslimiinta” ayaa looga hadlay halista uu foodda gelin doono dhulka barakeysan ee ku hoosjira gumeysiga Yahuudda haddii aysan muslimiintu fadhiga ka kicin, isku tiirsanaanin, loona gargaarin ehelkeena reer Filastiin.
“Guud ahan dhulka Filistiin waa qeyb dahabi ah oo kamid ah dhulweynaha ballaaran ee Islaamka, waana saldhig ka mid ah saldhigyada Islaamka ee barwaaqada ah, sidaas darteed waxay qalbiga qof weliba oo muslim ah ku yeelataa Saameyn, Ghiiro, iyo inuu ilaaliyo, naf kasta oo mu’minad ahna waxay jacayl iyo karaameyn u heysaa dhulkan sharafta badan, annagoo ah Qaacidatul Jihaad-na, si lamid ah muslimiinta, waxaan Filastiin u heynaa qadarin, maxaa yeelay waa qeyb kamid ah muqadasaatkeena dhaahirka ah” ayaa lagu yiri” bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee mujaahidiinta Al-Qaacida.
Shirqoollada iyo hagar daamada joogtada ah ee loo maleegayo dhulka Filastiin ayuu bayaanku soo hadal qaaday, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Manaama ee caasimada dalka Baxreyn, kaas oo ay soo qaban qaabisay dowladda Maraykanka.
“Abaal gudka wanaagsan ee ay sameeyaan dadka sharafta leh, waxaa ka mid ah midka ku soo beegma xilliga loo baahi qabo, ehelkeena Filastiin-na majirto maanta waxay kaga baahi badanyihiin in loo hiiliyo, oo la garab istaago, Khawannada naga dhashey ayaa isku garabsaday sidii loo meel marin lahaa waxay ugu magacdareen “Heshiiska Qarniga, waxay ciriiri geliyeen muslimiinta Filastiin, iyagoo ka xiray albaab weliba, Xurriyada iyagana waxay dhex dhigeen cadaab adag, sharwaduhuna wuxuu isku cadeeyey shirkii Manaama ee Al-Baxreyn, Sahaayinada carabtana waxay Qudus iyo ehelkeeda ula soo baxeen gowsaha, Wallaahi taas ayaana ah musiibada weyn, Carabna musiibo ayaa ku habsatay” ayaa lagu yiri bayaanka.
Wuxuu byaaanku intaas sii raaciyay “Sidaas dartiid, waxaan si guud muslimiinta u xusuusineynaa, si gaar ahna dhalinyaradeeda baariyaasha ah, in qof weliba oo naga mid ah ay Filastiin ku leedahay waajib mudan inuu guto, waana qadiyad ay tahay inaan inbadan ka fakarno sababaha keenay dhibaatada hadda taagan, iyo cawaaqibta imaan karta xilliyada soo socda, waxaana ceeb aduunyo ah inaan khudlaamino oo aan garabkooda ka baxno ehelkeena reer Filastiin, iyo ilmaha agoonta ah ee ku nool Qazza iyo Al-janiin”.
Bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacida, waxaa farriimo muhiim ah loogu diray culimada muslimiinta meel weliba oo ay ka joogaan aduunka, fariimahaas oo ay kamid tahay iney cadeeyaan Xaqqa, kana hadlaan xukunka sharciga ah ee uu leeyahay qofka isgarab taaga Shisheeyaha iyo Yahuudda.
“Culimada sharafta leh, waa inaad umadda u cadeysaan in qofka muslimiinta uga hiiliya gaalada uu yahay gaal iyaga lamid ah, sidoo kale u cadeeya ineysan jirin wado looga bixi karo dhibaatadan oo aan ka ahayn in lagu midoobo kalimadda Towxiidka. Waxaad sidoo kale umadda u cadeysaan inaan Islaamka loogu nusreyn Karin waxaan ka ahayn Jihaad iyo dacwo, oo aysan waxba ka jirin ciyaarta Dimuqraadiyadda ee umadda ka fogeysay Shareecada. Culimooy waxaad sidoo kale umadda u sheegtaan in Jihaadka lagula jiro Yahuudda sahyuuniyadda ah iyo Maraykanka uu yahay fardu ceyn” ayaa lagu yiri bayaanka Al-Qaacida xilli lala hadlayay culimada Musimiinta.
Al-Qaacida, waxay dhanka kale si kal iyo laab ah usoo dhaweysay bayaankii ay soo saareen culimada caalamka Islaamka, ee ay kaga hadleen shirkii Al-manaama, kuna tilmaameen inuu yahay mid shirqool ah oo ay xaaraam tahay in laga qeybgalo.
“ Culimadeena sharafta iyo qadarinta leh, waxaan si adag u taageereynaa bayaankii culimada Umadda, e ay ku sheegeen in muslimiinta ay waajib ku tahay xureynta Filastiin, waxaan bogaadineynaa go’aankooda geesnimada leh ee ay ka qaateen shirkii Al-baxreyn”.
Ugu dambeyn hogaanka Al-Qaacida, wuxuu ku hanjabay, muslimiinta FIlastiiin-na ugu bishaareeyay iney sii socon doonaan duulaannada “ Qudus lama Yahuudiyeynayo” ee lagu daah furay weerarkii weynaa ee bishii January ee la soo dhaafay ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulisay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.