Askar badan Oo Itoobiyaan ah oo lagu dilay Hiiraan.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo katirsan kuwa Itoobiya ee ku sugan gobolkaas.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana lala eegtay gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen askar badan oo Itoobiyaan ah.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aynu helnay ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 20 askari oo Itoobiyaan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa, halka uu burburay gaarigii ay saarnaayeen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan khasaaraha ba’an gaarsiiyay ciidamada Itoobiya.

Dhowr jeer oo hore waxaa deegaanka Halgan ka dhacay qaraxyo iyo weeraro lagu beegsaday ciidanka Itoobiya, waxaana si guud gobollada Soomaaliya ee ay ciidamada Shisheeyuhu joogaan joogta ka ah weerarada ay fulinayaan ciidamada Mujaahidiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.