Askar katirsan dowladda Oo Shabeellaha Hoose lagu dilay.

Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa lagu dilay askar katirsan ciidamada dowladda federaalka, kuwaas oo ku sugnaa qeybo kamid ah gobolka.

Ugu yaraan labo askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa lagu dilay duleedka deegaanka Warxaman ee Shabeellaha hoose.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay howlgalkan gaarka ah ee gallaaftay nolosha labo askari.

Dhinac kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen difaacyada ciidamada Shisheeyaha ay ku leeyihiin degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha hoose.

Lama hayo khasaaraha ka dahshey, balse dagaalka waxa uu ahaa mid muda socday.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.