Boris Johnson oo noqday Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska.
Boris Johnson, ayaa noqday ra’iisul wasaaraha dowladda Ingiriiska, kadib markii ay xilli hore ku dhawaaqday Treza May iney iska casishay xilka ra’iisul wasaarnimada ee dowladda Ingiriiska.
Ninkan oo caan ku ah islaam naceybka, iyo cunsuriyad lamid ah mida Trump ayaa intii uusan noqon ra’iisul wasaaraha wuxuu jeediyay hadallo ka dhan ah dadka muslimiinta, isagoo mar u gefey gabdhaha muslimaadka.
Marka laga hadlayo go’aannadiisa iyo hab maamulkiisa waa nin fud fudu oo aad u shabaha Donlad Trump, waxaana hor yaala arimo dhowr ah oo ay kamid tahay inuu meel mariyo sharciga ay dowladda Ingiriiska uga baxeyso ururkaa midowga Yurub.
Waxaa sidoo kale ninkan hor yaala inuu xal ka gaaro xiisadda kala dhexeysa dowladda Iiraan oo gacanta ku heysa markab ay leedahay dowladda Ingiriiska.
Boris Johnson ayaa la arkayay isagoo aad ugu faraxsan guusha uu gaaray, wuxuuna sheegay inuu ka dhabeyn doono ballanqaayadii uu horey u jeediyay.
Muslimiinta ku nool wadamada Yurub ayaa aad uga cabsi qaba sida ay xaaladooda noqon doonto, kol haddii labada dowladood ee ugu awooda badan reer galbeedku ay madax u noqdeen dad aan la gambaneynin cadaawada ay u hayaan muslimiinta.