C/Naasir Seeraar: “Weerarkii Hotel Cas-casey Wuxuu Noo Geystay Khasaare Badan” (Wareysi)

Cabdi Naasir Seeraar oo kamid ah dadka u tartamaya xilka madaxtinimada ee Jubbaland oo aan wareysanay maanta ayaa ka war bixiyay ogaalkiisa weerarkii hotel Cas-casey iyo khasaaraha uu dhaliyay.

Wuxuu ugu horreyn sheegay in weerarku uu ahaa mid aaney sinnaba u baajin karin ciidamadii ilaalada ka hayay hotelka maadaama buu yiri’ lagu beegsaday gaari waxlxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu tilmaamay in weerarkan uu khasaare badan dhaliyay islamarkaana uu martay qeybihii hotelka degganaa.

Seeraar ayaa walaac xooggan ka muujiyay weerarkan oo gallaaftay nolosha 40qof oo isugu jira mas’uuliyiin, siyaasiyiin, saraakiil, odayaal wax kasoo xulay xildhibaanada, ajaanib iyo ciidamo.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in ay hadda kadib ka hor tagi doonaan weerar kan lamid ah haddii lagu soo qaado.

Halkan Ka Degso Wareysiga Cabdi Naasir Seeraar

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.