Ciidamada Al-Shabaab oo weli ka dhexgaallamaya hotel Cascaseey ee Kismaayo.

Dagaalyahanno hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maalintii labaad ka dhex dagaallamaya hotel amaankiisa aad loo ilaaliyo oo ku yaala magaalada Kismaayo, kaas oo ay degnaayeen masuuliyiin kala duwan oo katirsan maamulka Jubbaland.

Hotel Cascaseey oo ku yaala nawaaxiga saldhiga Maraykanka uu ku leeyahay Kismaayo ayaa waxaa ka socda rasaas xoogan oo  ay is weydaarsanayaan ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa huwanta ah ee ay kamid yihiin ciidamada Maraykanka.

Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhashey howlgalka weli socda, waxaana masuuliyadda howlgalkan si buuxda u sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmad Madoobe ayaa la arkayay isagoo xirtay dharka dhakhaatiirta, islamarkaana booqanaya dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay howlgalka weli ka socda hotel Cascaseey.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.