Dhageyso Ciidanka Bankaraf oo Shacab Ku Gumaaday Tuulo Hoos Tagta Wanlaweyn.
Dhacdo argagax leh ayay ciidamada Bankrafta ee ka amar qaata Maraykanka ka geysteen tuulada Yaaqdhuub oo hoostaga degmada Wallaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.
Duhurnimadii maanta ayay ciidamadan ku duuleen dad beeraley ah oo ku sugnaa duleedka Wallaweyn xilli ay beerahooda ka shaqeysanayeen.
Ugu yaraan 6 ruux oo rag ah islamarkaana qaraabo isu wada ah ayay goobta ku dileen, iyagoona qaatay meydadkooda, horayna usoo kaxaystay qof kale.
Askartan ayaa kasoo duulay saldhigga uu Mareykanka ku leeyahay Ballidoogle oo u dhow Wanlaweyn. Nabadoon Cumar Jiiidane oo ah nabadoonka beesha Shanta Caleemood oo ay dadkan ehel dhow wada yihiin, tagayna tuulada uu gumaadku ka dhacay ayaan wareysanay.
Halkan Ka Degso Wareysiga Nabadoon Cumar Jiidane Nabadoonka Shanta caleemood