Ciidamada Shisheeyaha Oo sheegay ineysan ka adkaan karin Xarakada Al-Shabaab.
Michel Kabango oo ah Abaanduule katirsan ciidamada Shisheeye ee duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday ineysan suurtagal ahayn in guud ahaan Soomaaliya ay ka saaraan Xarakada Mujahidiinta Al-Shabaab.
Abaanduulahan oo hogaamiyaa kumanaan askari oo ka socda dalka Uganda, kana howlgala magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay iney culeesyo amni iyo weeraro joogta ah kala kulmayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo had iyo goor u dhiga kamaa’in iyo qaraxyo xoogan.
Wuxuu tilmaamay in weli Xarakada Al-Shabaab ay maamusho magaalooyin dhowr ah oo katirsan Shabeellhaa hoose kuwaas oo ay ka mid tahay Jannaale, Awdhiigle, Mubarak, Sablaale, Kurtun Waareey iyo kuwo kale, isagoona tilmaamay in ciidankoodu ay u suuragali weysay in ay guud ahaan gobolka ka saaraan Mujaahidiinta.
“Markii laga qabsaday Muqdisho waxay Al-Shabaab badaleen xeeladihii dagaal ee ay adeegsan jireen waxay bilaabeen weeraro gaadmo ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan. Waxay isku qeybiyeen jabhado kala gooni gooni ah, waxayna beegsadaan bartilmaameedyada ciidanka ee nugul” ayuu yiri Michel Kabango.
Wuxuu intaa ku daray “Al-Shabaab awoodoodu waxay hadda ku xoogan tahay gobollada, mana heyno awood aan ku qabsanno goboladaas, Tirada ciidankeenu waa kuwo xadidan oo gaaraya ilaa 22,000 oo askari, hadana waaba lasii dhimi doonaa oo waxaa lagusoo koobi doonaa 19,000 oo askari”.
Ciidamada dowladda oo uu tiradoodu ku sheegay 10 kun oo askari ayuu tilmaamay ineysan heyn awood iyo cudud ay isaga caabiyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taasna ay keeneyso in magaalo weliba oo ay ciidamada Afrikaantu kasoo baxaan ay iyaguna kasoo daba baxaan.
Dhanka ciidamada Shisheeyaha, wuxuu abaanduulahan sheegay ineysan heysan hub iyo saanad milliteri oo ku filann, sida diyaaradaha Hellecopterska oo kale, taasna uu sheegay iney ka hor joogsatay iney howlahooda sidii loo rabay u gutaan.
Ciidamada Shisheeyaha oo Soomaaliya ku sugan inkabadan toban sano ayaa u muuqanaya kuwa ku jabay dagaalka ay kaga jiraan Soomaaliya, sida ay sheegayaan dadka u dhuun daloola arimaha milliteriga.