DEGDEG: Al-Shabaab oo Mar Kale Fagaare Ku Yaalla Jubooyinka Ku Dilay 5 Kale oo Jawaasiis Ah.
Xilli maalintii shalay ay Xarakada Al-Shabaab, degmada Xagar ee gobolka Jubada Hoose ku dileen 5 nin oo lagu eedeeyay iney basaasiin u ahaayeen Mareykanka, Kenya iyo DF, ayaa waxay maantana xukun kale oo kaa lamid ah ka fuliyeen fagaare ku yaalla degmada Salagle ee gobolka Jubada Dhexe.
Sadax kamid ah shantan nin ayaa waxaa lagu eedeeyay iney u shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA-da loo yaqaano waxaana ay qaarkood ku lug lahaayeen dhibaatooyin loo geystay dad aan waxba galabsan.
HALKAN KA AKHRISO MAGACYADOODA
- Maxamuud Bashiir Hilowle, wuxuu ahaa 22 jir lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka ee CIA.
- C/raxiin Axmad Yuusuf, wuxuu ahaa 23 isna lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka ee CIA.
- Idiris Yuusuf Dhallin, wuxuu ahaa 37 sano jir lagu eedeeyay inuu basaas u ahaa Mareykanka gaar ahaan ciidankiisa Soomaalida ee Bankaraf.
- C/Xakiin Xuseyn C/Nuur, wuxuu ahaa 23 jir lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka maamulka Jubbaland.
- Isaaq Cabdullaahi Xasanow, wuxuu ahaa 29 sano jir kaasoo lagu eedeeyay Sirdoonka Koofur Galbeed.
Xukunkan ayaa ka dhigan iyadoo lasoo af jaray indho badan oo muhim u ahaa Mareykanka iyo maamulada ku daaban. Sidoo kale dadka arrimaha amniga u dhuun daloola ayaa sheegaya in Xarakada Al-Shabaab ay tahay mid soo jeeda oo ka feejigan cadawgeeda.