Dhageyso 30 Askari oo Kasoo Goosatay DF oo Isku Dhiibay Al-Sahabaab.

Sawir hore Askar kasoo goosatay Jubbaland oo Jilib lagu soo bandhigay-sawir hore.

Tobannaan ka soo goostay ciidamada DF ayaa isku dhiibay wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe todobaadkan kuwaasoo qaarkood lasoo goostay hubkii ay ku shaqeynayeen.

Ciidankan oo ay tiradoodu gaareyso 30 askari ayaa waxaa imaanshahooda kaalin weyn ka geystay odayaasha dhaqanka iyo eheladooda.

Munaasabaddii soo bandhigistooda waxaa hadal ka jeediyay Sheekh Yuusuf Kaba Ku Dukade waaliga Sh/dhexe isagoo askartan ku bogaadiyya go’aanka ay qaateen.

Sh/Kaba Ku Dukade ayaa wuxuu sidoo kale farriin u diray askarta DF oo uu kula taliyay iney kasoo baxaan safka shisheeyaha.

Ugu dambeyn waxaa munaasabadda ka hadlay Sheekh Cali Biyow oo ah gudoomiyaha odayaasha dhaqanka ee Sh/dhexe. Dhanka kale waxaa inoo suura gashay inaan wareysanno askarta qaarkood.

Halkan Ka Degso Kalimadda Sh/Yuusuf Kaba Ku Dukade

Halkan Ka Degso Kalimadda Sh/Cali Biyow Gudoomiyaha Odayaasha

Halkan Ka Degso Wareysiyada Askarta

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.