Dhaqaale Darro Lasoo Daristay Safaaradda Itoobiya Ee Koofurta Suudaan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Boliska ee koofurta Suudaan ayaa xabsiga loo taxaabay kaasoo loo soo jeediyay eedeymo.

Sarkaalkan oo ah nin maalqabeen ah ayaa wuxuu leeyahay guryo iyo dhul ay deggan tahay safaaradda Itoobiya.

Ujeedada loo xiray ayaa waxay tahay in uu u hanjabay safaaradda Itoobiya kadib markii ay uga baxday ballan ay horay u wada galeen.

Sida uu sheegayo Maykal Jiyaanjeeg oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee Koofurta Sudaan, waxay sarkaalka iyo safaaradda horey ugu ballameen in la kordhiyo kirada guryaha marba marka ka dambeysa.

Safaaradda Itoobiya ayaana waxay ka baxday ballanta oo ahayd in boqolkiiba 20 ay ku darto kirada guryaha.

Tani waxay sarkaalka ku khasabtay inuu dil ugu hanjabo Diblumaasiyiinta Itoobiyaanka ah, kuwaasoo iyaguna ku dacweeyay xukuumadda.

Sarkaalkii ayaa xabsiga loo dhaadhiciyay maadaama ay Xabashidu galaangal ku leedahay dhulkaas.

Arrintan ayaa waxay ka marqaati kacaysaa sida ay u liidato dhaqaale ahaan Itoobiya gaar ahaan wasaaraddeeda arrimaha dibadda.

Wasaaradda dibadda ayaa ah muraayadda laga eego dowladaha. Koofurta Suudaan waa dhul ka tirsan dalka muslimka ah ee Suudaan balse sannado ka hor ayay Qaramada Midoobay ka jartay una aqoonsatay dal ama dowlad.

Koofurta Suudaan ayaa waxaa ku nool ganacsato badan oo Soomaaliyeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.