Diyaaradaha Nidaamka Al-Asad oo duqeymo xoogan ka fuliyay qeybo kamid ah wuqooyiga Suuriya.
Deegaannada xurta ah ee kujira gacanta kacdoon wadayaasha waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay duqeymo waali ah oo ay geysanayaan diyaaradaha dowladda Ruushka iyo kuwa Nidaamka.
Saacadii lasoo dhaafay, waxay diyaaradaha Nidaamku fuliyeen duqeymo khasaare dhaliyay, waxaana muuqaneysa in Nidaamku si isku mid ah u beegsanayo meel weliba oo isku imaatin ah, sida isbitaallada, goobaha ganacsiga iyo Masaajidda.
Kooxaha Difaaca madaniga ah oo war soo saaray waxay xaqiijiyeen in duqeymihii dhacay saacadii lasoo dhaafay ay ku dhinteen ugu yaraan 9 ruux, ayna jiraan tiro kale oo dhaawacyo ah.