Duqeyn lagu garaacay Saldhiga Kenyaatiga ee Ceel-waaq.
Guutooyinka Madaafiicda ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn xoogan ku garaacay saldhiga ay ciidamada Kenyaatigu ku leeyihiin duleedka degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.
Madaafiic cul culus oo laga rido qoriyaasha waaweyn ayaa ku dhacday gudaha saldhiga, halkaas oo la rumeysanyahay iney ku suganyihiin guutooyin katirsan millliteriga Kenya ee loo yaqaano KDF.
Goobjoogayaal ku sugan Ceel-waaq ayaa sheegay iney arkeen qiiq iyo uuro madow oo ka kacday saldhiga, waxyar kadib markii dhowr gantaal ay gudaha ugu dheceen.
Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale, ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab duqeymo xoogan ku garaaceen isla saldhigan, mana la helin faafaahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha.