Faahfaahin Kasoo Baxaysa Khasaaraha Weerarkii Xarunta Gobolka Banaadir. (Warbixin)

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa hawl galkii qorsheysnaa ee shalay ka dhacay gudaha xarunta Visha Governo ee magaalada Muqdisho kaasoo sababay khasaarooyin baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hawl galkan oo oo si dirqi ah uga badbaaday wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta shirarka ee maamulka gobolka Banaadir oo uu isagu wax yar ka hor dhacdada ka khudbeeyay.

Ma jirin qof ka maqan maamulka gobolka Banaadir, gudoomiyaasha degmooyinka iyo la taliyaasha waxaana mar qura iyagoo madasha kuwa wada sugan dhacay hawl galka.

Inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa laga maqlay wax hugmaya oo aad u weyn kadibna waxaa xigay qiiq iyo uuro is heysta.

Dadkii goobta ku sugnaa waxay noqdeen kuwa dhinta, qaar dhaawacma iyo kuwa carar uga baxa xarunta sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkii kasoo badbaaday.

Mas’uuliyiinta ku dhintay hawl galkan waa tobaneeyo waxaana kamid ah sadax gudoomiye degmo, agaasimayaal iyo la taliyaal kala duwan.

Sidoo kale waxaa goobta ku dhintay shaqaale iyo xog-heyno la socday maamulka gobolka iyo gudoomiyaasha degmooyinka.

Wasiirka Warfaafinta DF, Maxamad Cabdi Xayir Maareeye oo xalay saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in hawl galkan uu ahaa mid aad loo soo qorsheeyay maadaama uu ka dhacay meel xasaasi ah oo ubuc hoosaad u ah DF.

Mas’uuliyiinta ku dhintay hawlgalka waxaa kamid ah, Gudoomiyihii Cabdicasiis Sabaax Cabdullahi Asad, Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi, Guddoomiyihii degmada Shangaani Shahra-Zad Sheekh Maxamad taasoo xalay u geeriyootay dhaawac soo gaaray.

Intaa waxa dheer oo mas’uuliyiinta ku dhintay kamid ah Agaasimaha nadaafadda maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane, Agaasimahii Shaqaalaha ee maamulka Cabdullaahi Dheere iyo la taliyihii dhanka dastuurka ee gobolka Banaadir Xasan Sabriye. Waxaa kale oo dib ka geeriyooday Agaasimihii Qorsheynta Deegaanka Dowladda Hoose, Injineer Shuuriye oo uu dhaawaciisu darnaa.

Sidoo kale waxaa jira la taliyaal iyo shaqaale gobolka ka tirsanaa oo ku dhintay hawl galka balse aanan wali magacyadooda helin, balse waxa uu dhaawac darani soo gaaray gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow iyo qaar kale oo kamid ah gudoomiyaasha degmooyinka gobolka.

Yariisow ayaa tan iyo xalay maray ugu yaraan sadax qalliin oo ay ku sameeyeen dhaqaatiirta turkida ee joogta isbitalka Digfeer waxaana lagu wadaa in dalka dibaddiisa loo qaado maadaama ay dhaqaatiirtu sheegeen inaan xaaladdiisa dalka wax looga qaban karin. Yariisow ayaa ka dhaawacmay qaarka sare ee jirka siibax madaxa iyo caloosha, tan iyo markuu dhaawacmayna wuxuu ahaa qof miir daboolan oo suuxsan, sida laga soo xigtay Maxamad Tuulax oo ah gudoomiye ku xigeenak gobolka Banaadir.

Isbitalka digfeer ayaa waxaa buux dhaafiyay Wasiirro iyo Xildhibaano u badan kuwa heysta dhalashada wadanka Ingiriiska.

Sidoo kale waxaa iyana dhaawaceedu uu daran yahay gudoomiyaha degmada Wardhiigle. Dad badan oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay iney muujineyso heerka ay gaarsiisan tahay xaaladda amni ee ay wajahayaan madaxda DF.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda hawl galkan ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, waxaana Sheekh Abuu Muscab oo ah afhayeenka ciidanka uu saxaafadda u sheegay in bartilmaameedku uu ahaa madaxa UN-ka u jooga Soomaaliya, ninka lagu magacaabo James Swan.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay iney cambaareeneyso hawl galkan. Si lamid ah Gudoomiyaasha Baarlamaanka ee aqalka sare iyo kan hoose ee DF ayaa si murugo leh u muujiyay in meel xanuun badan laga taabtay.

Xassan Sheekh oo ah madaxweynihii hore ee DF, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay hawl galkan khasaaraha badan geystay wuxuuna muujiyay in DF-ku tahay mid habacsan marka la eego dhanka ammaanka isagoo ugu baaqay iney sidan wax ka badasho, inkastoo markii uu isagu madaxweynaha ahaa loogu gali jiray madaxtooyada. “Dadka siyaasadda isku dhibsaday waxaan leeyahay Al Shabaab uma kala sokeysaan, oo mid uu hoobiye ku tuuro iyo mid uu qarax la beegsado ayaan u dhaxeynaa” sidaasi waxaa yiri’ Xasan Sheekh.

Halka uu hawl galku ka dhacay oo ah madasha shirarka ee Visha Governo, waxay ku taallaa dabaqa koowaad, waxay kasoo hor jeedaa xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir, Yariisow halkaasoo ahayd meel si aad ah loo ilaaliyo.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa barahooda Internetka kusoo qoray iney la yaaban yihiin sida uu hawl galkan Al-Shabaab ugu suura galay, waayo waxay leeyihiin baaritaanka xarunta wuxuu ahaa mid aad u adag iyadoo dadka lagu baarayay qalabka casri ah.

Gabi ahaanba xarunta maamulka ayaanan maanta shaqeeneyn maadaama dadkii madaxda ahaa ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay. Sidoo kale shaqaalihii xarunta ayaa ah kuwa aanan isku aamini karin ammaanka meesha maadaama aysan dowladdu war cad kasoo saarin sida ay wac u dheceen oo ay wali sheegeyso iney baaritaano socdaa.

Waxa kaloo aanan maanta shaqeeneyn xarumaha degmooyinka Shangaani, Cabdicasiis iyo Waabari, waayo gudoomiyaashii sadaxdan degmo waa ay dhinteen. Siyaasiyiin uu kamid yahay C/raxmaan C/shakuur ayaa muujiyay in DF-ku ay ku jirto dhallanteed isagoo ku yiri “Aad ayey u xanuun badan tahay in aan maalin kasta tacsi u joog noqono, ka baxno dhalanteedka, hala joojiyo xafladaha, riwaayadaha, sawirada quraxda badan, shirarka, martiqaadka cashooyinka iyo qadooyinka, labiska suudadka qaaliga kuwaaso waaqaca looga been fariimo”

Haddaba Isla shalay waxay Al-Shabaab madaafiic ku garaaceen xarunta madaxtooyada Muqdisho.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Xarakada Al-Shabaab ay weerar culus ka geysatay barta koontaroolka ah ee laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana kasii horreeyay weerarkii weynaa ee Kismaayo kaasoo lagu dilay dad ay ku jireen musharaxiin iyo saraakiil.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.