Howlgal lagu dilay ciidamo Maraykan ah ayaa ka dhacay wadanka Afqaanistaan.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Afqaanistaan, askari katirsan xukuumadda Kaabul ayaa toogasho ka geystay saldhig ku yaala wadankaas oo ay joogeen ciidamo katirsan Maraykanka.

Weerarkan ayaa ka dhacay saldhiga Tanawutshi ee degmada Shawilkiit gobolka Qandahaar, waxaana askarigu uu rasaas ku furay ciidamada Maraykanka xilli ay ku dhex sugnaayeen  saldhiga.

Warar horudhac ah oo soo baxayo ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari oo katirsan ciidamada Maraykanka ay goobta ku quur baxeen, halka askarigii weerarka geystay xabsiga la dhigay kadib markii uu soo gaaray dhaawac.

Ururka Naato ee duulaanka ku jooga Afqaanistaan ayaa dhankiisa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in howlgal ka dhacay dalka Afqaanistaan looga dilay labo askari oo katirsan ciidamada Maraykanka.

Nato ma sheegin halka uu weerarku ka dhacay iyo noocuu ahaa, balse waxaa muuqaneysa iney ka hadleyso weerarkan uu fuliyay askariga katirsanaa ciidamada xukuumadda Kaabul.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.