Howlgal Noocee ah buu ahaa weerarkii ka dhacay Xarunta maamulka G.Banaadir?
Idaacadda Al-Andalus ee ku hadasha afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahisay xog ku aadan weerarkii weynaa ee shalay galab ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.
War ka soo baxay taliska Milliteriga Mujaahidiinta oo laga sii daayey Idaacadda Andalus ayaa lagu sheegay in howlgalkaas loo adeegsaday maado qaraxda oo lagu sii diyaariyey goobta ka hor inta aysan halkaas isugu soo uruurin madaxda maamulka gobolka Banaadir.
Al-Shabaab waxay sheegtay in howlgalkaas ujeedkiisu ahaa in lagu beegsado James Swan, wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse uu goobta ka tagay wax yar ka hor inta uusan qaraxu dhicin.
Maadada qaraxda ee goobta lagu diyaariyay ayaa ku qaraxday xubnaha u badnaa maamulka gobolka Banaadir, islamarkaana ay gallaafatay nolosha tobaneeyo askari, iyadoo uu dhaawac halis ah kasoo gaaray gudoomiyaha gobolka Banaadir Yiriisow.