Iiraan Oo gacanta ku dhigtay Markab ay leedahay dowladda Ingiriiska.
Ciidamada Ilaalada kacaanka dowladda Iiraan ayaa marinb biyoodka caalamiga ah ee Hurmuz waxay ka qafaasheen maraakiib ay leedahay dowladda Iiraan oo gaaraya illaa labo markab, walow goordambe ay mid sii deysay.
Markabka ay qafaashey dowladda Iiraan oo ah nooca qaada saliida, magaciisana uu yahay The Stena Impero ayay dowladda Iiraan waxay ku eedeysay inuu jebiyay xeerarka caalamiga ee socdaalka badda.
Markabka waxaa hadda lagu hayaa dekadda Bandar Cabaas, waxaana Iiraan ay sheegtay iney ku wado baaritaanno.
Dowladda Ingiriiska ayaa aad uga caroortay tallaabadan, waxaana wasiirkeeda arimaha dibadda uu sheegay iney jawaab fadhisa oo aad looga fakaray ay ka bixin doonaan tallaabada ay ku kacday dowladda Iiraan.
Horay ayay dowladda Ingiriiska waxay u qafaashtey markab ay leedahay dowladda Iiraan, kaas oo mariyay Jabalu Dhaariq, waxaana hadda muuqata in Iiraan ay jawaab ka bixisay tallaabadaas.
Xaaladda marin biyoodka Hurmuz oo uu maro saddex meelood hal meel shidaalka Aduunka ayaa aad u kacsan, waxaana dowladda Ingiriiska ay maraakiibteeda ku amartay iney ka joogsadaan isticmaalka marinkaas illaa amar dambe.
Lama oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladda kacsan ee u dhexeysa dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska oo dhinac ah iyo dowladda shiicada ah ee Iiraan.