Itoobiya oo wajaheysa xaalad adag iyo Qowmiyado horleh oo doonaya Is maamul gaar ah.
Qowmiyadda Sidaamo oo kamid ah qowmiyadaha dega wadanka Itoobiya ayaa dooneysa iney yeelato is maamul madax banaan oo ka arrimiya deegaannada ay qowmiyadani degto.
Horjoogayaal iyo siyaasiyiin u hadlay qowmiyadan ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku wargeliyeen in afti loo qaado in gobolka ay qowmiyadan degto uu yeesho maamul goboleed u gaar ah.
Waxay sheegeen in haddii dalabkooda la fulin waayo, ay iyagu ku dhawaaqi doonaan maamul goboleed gaar ah oo ka madax banaan Itoobiya 18-ka bishan todobaad ee aynu ku guda jirno.
Jawaabtii ugu horeysay ee dowladda Itoobiya ay ka bixiso dalabka qowmiyadan ayaa ahaa mid uu mugdi badan ku jiro, ra’iisul wasaaraha dalkaas Abey Axmed ayaa baarlamaanka ka hor sheegay inuu soo gaaray dalabka qowmiyadda Sidaamo, balse wuxuu u sheegay iney sabraan oo ay adkeystaan.
Khubarada ka faallooda arimaha Itoobiya ayaa sheegaya in haddii dowladda Itoobiya ogolaato codsiga qowmiyadda Sidaamo ay ka dhigantahay in qowmiyado horleh ay iyaguna dalbadaan iney yeeshaan maamul goboleed gooni ah.
Haddii dowladda Itoobiya ay si toos ah u diido dalabkana, waxay ka dhigantahay kacdoonno horleh oo ku furma siyaasadda ra’iisul wasaare Abey Axmed, oo hadaba wajahaya qulqulatooyin siyaasadeed oo adag.
Dhalinyaro kasoo jeeda qowmiyadda Sidaamo oo ah qowmiyad muslim ah ayaa isugu soo baxay magaalada Hawaasa oo ah caasimadda koonfurta, waxayna ka digeen in dowladda Itoobiya ay dhegaha ka fureysato codsigooda.
In qowmiyad gaar ah oo degta Itoobiya ay yeelato maamul hoosaad gooni ah waxay ka dhigantahay in maamulkaas uu qaadi karo lacago canshuuro ah oo aan u gudbeynin dowladda dhexe, in maamulkaas uu go’aanno ka gaari karo arimaha gobolkiisa sida waxbarashada, iyo inuu yeelan karo ciidamo gaar ah oo suga amniga gobolka.
Arintan waxay kusoo aadeysaa, iyadoo weli xaaladda Itoobiya ay kacsantahay, wixii ka dambeeyey afgembigii fashilmey ee ka dhacay gobolka Amxaarada ay degto, kaas oo lagu dilay taliyihii ciidamada Itoobiya, gudoomiyihii gobolkaas iyo masuuliyiin kale.
Abey Axmed, ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa wajahaya mowjado kacdoonno gudaha ah iyo shirqoollo uga imaanaya saraakiisha ciidanka, waxaana muuqaneysa in siyaasadiisa ay ka gadmi weysya qeybo badan oo kamid ah dadka dega Itoobiya ee lagu qiyaaso inkabadan boqol milyan oo ruux.
Itoobiya waxay kumanaan askari oo so duuliyaal ah ka joogaan qeybo kamid ah gobollada Soomaaliya, waana dowladda ka dambeysa qorshaha kala qeybinta dalkan ee ka dhigan federaaliisimka.
Dad badanna waxay rumeysanyihiin in dhibaatadii Xabashidu la doonayeen Soomaaliya ay hadda Itoobiya iyadu la nooshahay, taas oo ah kala qeybsanaan iyo kala furfuran, Daalimna Ma liibaano.