Labo Askari oo lagu dilay weerar ka dhacay Shabeellaha hoose.
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday askar katirsan kuwa dowladda federaalka oo ay isbaaro u tiillay deegaan u dhow degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidamada dowladda ayaa lagu weeraray isbaaro ay ku lahaayeen deegaanka Kabtan Laas, waxaana halkaas ka dhashey khasaare gaaray askarta dowladda.
Inta hadda la xaqiijiyay waxaa goobta lagu dilay labo askari, mid kalana waxaa soo gaaray dhaawac daran, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay ku guuleysteen iney kala eryaan askartii isbaarada joogtay.
Isbaaradan oo ah mid aan joogta ahayn oo ay mar mar soo dhigtaan ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhib qabay dadka iyo gaadiidka, waxayna la kulmayeen baad iyo dhac.