Madaafiic lagu garaacay saldhiga ciidamada Itoobiya ee Garbaaharrey.

Guutada Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar loo adeegsaday madaafiic cul culus waxay ku garaaceen saldhiga ay ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin duleedka degmada Garbaaharrey ee xarunta gobolka Gedo.

Dhowr Madfac ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu garaacay saldhiga, kuwaas oo gudaha u galay halka ay ciidamada Itoobiyaanku joogeen.

Dad ku sugan duleedka Garbaaharrey waxay xaqiijiyeen inay maqlayeen jugta duqeyn xoogan oo ku socota saldhiga ciidamada Itoobiyaanka.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Xabashida Itoobiya, gobolka Gedo ayaana kamid ah meelaha ay duulaanka ku joogaan Xabashida, ayna kula kulmayaan weerarada xoogan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.