Maraykanka Oo ku duulay dhulka Xarameynka.

Dowladda Maraykanka ayaa go’aan ku gaartay in boqollaal askari oo kamid ah ciidamadeeda ay u daabusho dhulka Xarameynka ee uu ka arrimiyo maamulka Aala-Sucuud.

Telefeshinka CNN ayaa dhawaan baahiyay in Maraykanku uu ciidamo u diray maamulka Aala-Sucuud, si ay ugu gogol xaaraan boqollaal askari oo la geynayo saldhig ciidan oo ku yaala meel ka baxsan magaalada Riyaad.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa si toos ah u xaqiijiyay in ciidamo Maraykan ah ay imaan doonaan dhulka Xarameynka, waxaana boqorka maamulkaas Salmaan bin Cabdil-Caziiz uu saxiixay imaanshaha ciidamada Maraykanka.

Askartan ayaa la dejiyay saldhiga ciidan ee Al-amiir Suldaan, kuna yaala saxaraha u dhow magaalada Riyaad ee caasimadda u ah maamulka Aala-Sucuud.

War kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa lagu qiray in wasiirka gaashandhiga Maraykanka uu ogolaaday in ciidamo la geeyo dhulka Xarameynka, taas oo qeyb ka ah duullaannada uu Maraykanku ku hayo caalamka Islaamka.

Arintan ayaa noqoneysa in 16 sano kadib uu Maraykanku si muuqata ugu soo laabto dhulka Xarameynka, inkastoo dadku ay aaminsanyihiin in horeyba ay ciidamo Maraykan ah u joogeen dhulka uu ka arrimiyo maamulka Aala-Sucuud.

Warbaahinta Maraykanka ayaa tallaabada ciidamada Ameerikaanka lagu geeyay Xarameynka waxay ku xirayaan xiisadda kala dhexeysa Iiraan, balse Aqoonyahannada muslimiinta ayaa sheegaya in taasi ay tahay marmarsiyo lagu xalaashanayo gumeysiga dhulalka Muslimiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.