Masuul katirsan Dowladda Kenya oo lagu dilay NFD.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Injineero katirsan dowladda Kenya, kuwaas oo ku sugnaa qeybo kamid ah dhulka NFD ee ku jira gacanta Kenyaatiga.

Weerarkan ayaa maalintii shalay ka dhacay tuulada Buula laban oo hoostaga degmada Ceel-waaq qeybta dhulka NFD, kuna jirta gumeysiga dowladda Kenya, waxaana ka dhashey khasaare nafeed.

Goobta waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Kenya oo ilaalinayay injineerada Kenyaatiga ee u shaqeeya dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyata.

Inta haatan la ogyahay waxaa goobta lagu dilay mid kamid ah Injineeradii Kenyaatiga ahaa, waxaana suurtagal ah in khasaaruhu intaas ka badanyahay.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, iyadoo ciidamada Kenya maalintii shalay ay deegaanka Raaskambooni ku dileen labo qof oo shacab ah, kuwaas oo watay gaari nooca raaxada ah, iyagoona kadib gaarigii gubay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ciidamada Kenya ku beegsaneysa gudaha Soomaaliya iyo deegaannada ay xooga ku heystaan ee dhulka NFD, waxaana weerarkan lagu dilay Injineerka Kenyaatiga ah uu ku daba feylayaa silsilado weeraro ah oo ka dhacay halkaas, laguna beegsanayo ciidamada, xubnaha iyo saraakiisha dowladda Kenya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.