Ruushka Oo Duqeyn ku garaacay Suuq lagu iibiyo Khudaarta oo ku yaala Suuriya.

Diyaaradaha dowladda Ruushka iyo kuwa Nidaamka Bashaar Al-asad ayaa gobolka Idlib ka geystay gumaad wuxuushnimo ah, oo ay kula kaceen dadka muslimiinta ah ee kunool gobolkaas.

Duqeymahan oo dhacay maalintii shalay, waxaa lagu garaacay magaalada Macarratu-nucmaan ee dhacda baadiyaha koonfureed ee gobolka Idlib, waxaana ku dhintay tobanaan ruux oo dhamaantooda ahaa dad shacab ah.

Diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Nidaamka ayaa si toos ah oo bareer ah u garaacay suuqa weyn ee magaalada, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo khudaarta noocyadeeda kala duwan, waxanaa xilligaas suuqa joogay dadweyne aad u badan oo adeeganayay.

Inta haatan la hubo, waxaa duqeymahan ku dhintay kudhawaad labaatameeyo ruux, halka kudhawaad 40 kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la dhigay isbitaallada ku yaala deegaannada xurta ah ee wuqooyiga Suuriya.

Kooxaha Difaaca madaniga ee koofiyadaha cad, iyo dad mutadhawiciin ah ayaa gaaray suuqa khudaarta ee Macarratu-nucmaan oo ah halka duqeymaha wuxuushnimada ah lagu garaacay, waxayna goobta kasoo uruuriyaan hilbaha dadkii dhintay, iyo dhaawacyada kuwa kale.

Dadka ku sugan wuqooyiga Suuriya ayaa duqeymahan ku tilmaamay iney yihiin kuwii ugu xooganaa ee dhacay bilooyinkii lasoo dhaafay, waxaana suurtagal ah in khasaaruhu kordho, maadaama ay jiraan dhaawacyo xaaladooda liidato, iyo kuwa ku hoosjira burburka dhismooyinka.

Dowladda Ruushka oo looga bartay inkiraada dadka ay ku leyneyso Suuriya, ayaa sheegtay ineysan jirin duqeymo ay ka fulisay gobolka Idlib maalmihii lasoo dhaafay, waxaana taas beeniyay reer Suuriya oo sheegay in sawaariikhda duqeymaha loo adeegsaday iyo diyaaradaha soo tuureyba ay ahaayeen kuwa Ruushka iyo Nidaamka.

Dadka soo tabiya wararka kacdoonka Suuriya ayaa sheegaya in Ruushku markii uu ku guul dareystay dagaallada ka socda gobolka Xammaah, khasaare adagna la gaarsiiyay ciiidamadiisa iyo xulafadiisa uu u weecday inuu ka aargoosto dadka maatida ah ee aan waxba galabsan.

Inkastoo dhaawacyada iyo dhibaatooyinka gaaraya muslimiinta Suuriya ay tahay mid ballaaran, hadana waxay sheegayaan iney sii wadi doonaan kacdoonkooda Jihaadiga ah, inta ay ka gaarayaan ahadaafta ay hiigsanayaan oo ay kamid tahay in talada laga tuuro Bashaar Al-Asad, maamul islaami ahna la taago.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.