Sarkaal katirsan Ilaalada Madaxtooyada Oo Muqdisho Lagu dilay.
Rag hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku toogtay sarkaal katirsan Ilaalada madaxtooyada.kaas oo lagu magacaabo Cumar Coloow.
Rag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa sarkaalkan ku dilay xaafadda Suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid, waxayna horey uga qaateen moota nooca Dhugdhugleyda ah oo uu watay.
Darjada ciidan ee sarkaalkan ayaa lagu sheegay labo xidigle, wuxuuna sidoo kale ahaa darawalka gaarka ah ee taliye ku xigeenka ciidamada PS-ta dowladda federaalka.
Meydka sarkaalka ayaa in muda ah yiilay goobta lagu dilay, walow markii dambe ay soo gaareen ciidamo katirsan dowladda oo qaaday meydkiisa.
Muqdisho waxaa joogta ka ah howlgallada ugaarsiga ah ee lagu hayo xubanha dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Maxamad Farmaajo.