Sawirro: 22 Arday oo Ka Qalin Jabisay Machadka Qurdhuba Faraciisa Sh/hoose.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo sagootin u ahayd arday ka qalin jabisay machadka Qurdhuba faraciisa Sh/Hoose ayaa ka dhacday xarunta machadka oo ku taalla degaanka Kuunyo Barrow.

Machadka oo faracyo badan ku leh Wilaayaadka Islaamiga ah ayaa waxaa markii ugu horreysay faraciisan ka qalin jabiyay 22 arday oo 15 kamid ah ay wiilal yihiin halka 7-da kale ay gabdho yihiin.

Ardaydan ayaa muddo laba sannadood ah dhiganayay machadka iyagoo si joogto ah u qaadanayay maadooyin ay kamid yihiin: Tafsiirka Qur’aanka, Xadiithka, Fiqihiga iyo usuushiisa, Luqadda Carabiga, Taariikh, Juqraafi, Saynis, Xisaab, Maamulka iyo maadooyin kale.

Munaasabadda ayaa waxaa hadallo bogaadin ah ka jeediyay gudoomiyaha odayaasha dhaqanka ee Sh/hoose Ugaas Ibraahim Maxamad Nuur iyo Suldaan Aadan Cusmaan oo ah suldaanka beesha Tunni, waxayna labadooduna si isku mid ah u dhiira galiyeen ardayda iyagoo bulshada kula taliyay iney ku dadaalaan tacliinta.

Munaasabadda ayaa waxay ardayda kusoo bandhigeen heerka aqoontooda iyo khudbado guubaabo u ah ardayda kale ee aanan wali ka qalin jabin machadka iyo kuwa aanan wali billaabin wax barashada.

Culimadii iyo waalidiintii kasoo qeyb gashay xafladda ayaa waxay bogaadiyeen manhajka machadka Qurdhuba oo isugu jira diini iyo maaddi, kaasoo runtii ardayga u suura galinaya inuu garto adduunkiisa iyo aakhiradiisaba kana badbaado duullaan maskaxeedka manaahijta hey’adaha iyo dowladaha shisheeye.

Ugu dambeyn waxaa munaasabadda ardayda lagu gudoonsiiyay shahaadooyin heerkoodu sarreeyo iyadoo si lamid ah abaal marinno la siiyay ardayda kaalimaha gashay iyo kuwii intey diraasaddu socotay ku sifeysnaa akhlaaq wanaagga.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA XAFLADDA QURDHUBA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.