Sawirro: Hay’adda Al ixsaan oo Raashin Ka Qeybisay Jubbada Dhexe.
Jamciyadda Kheyriga ah ee Al-ixsaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay raashin ka qeybisay degaan hoos taga degmada Jilib ee wilaayada Jubooyinka.
Deeqdan raashinka ah oo isugu jirta Bur, Bariis, Sonkor, Baasto iyo Saliid ayaa la gaarsiiyay 100 qoys oo dadka deegaanka ah taasoo ay si diirran usoo dhaweeyeen, waxaana ay sheegeen in waqti ku habboon ay heleen.
Dadkan ayaa waxaa iney dan yar yihiin usii dheer iney qabaan xanuunka Juudaanka la yiraahdo. Mar walba waxaa dadkan xaaladdooda ka warqabta hey’adda Al-ixsaan iyo maamulka Jubooyinka oo iska xil saaray daweyntooda iyo cunno siintooda.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA.