Shisheeyaha iyo dowladda Oo lagu weeraray Siinka dheer iyo Shabeellaha hoose.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro ballaaran ku qaaday deegaanno kala duwan oo gobolka Shabeellaha hoose ka joogaan ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka.
Kontroolka ay deegaanka Siinka dheer ku leeyihiin ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa PSta ayay xalay weerareen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, lamana helin khasaaraha ka dhashey.
Sidoo kale, ciidamada Mujaahidiinta waxay duullaan ballaaran ku qaadeen difaacyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha hoose.
Deegaanka Ceel Saliini oo u dhow Nambar 60 ayaa sidoo kale lagu weeraray ciidamada Shisheeyaha, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey weeraradan, balse waxaa la rumeysanyahay iney jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, maadaama ay weeraradu ahaayeen kuwa culus.