Shisheeyaha Ku Sugan Bariire oo Dilay Gabar 4 Sano Jir Ah.

Ciidamada shisheeye ee heysta Bariire iyo kuwa DF ee wehlinaya ayaa maalintii shalay si bahalnimo ah u duqeeyay tuulada Raqayle oo degaankaasi kaabiga ku heysa halkaasoo ay ku nool yihiin dad beeraley ah iyo qoysas kale oo horey uga barakacay Bariire.

Saacado ka hor duqeynta waxaa ciidamada shisheeye iyo kuwa DF, ay la kulmeen dagaal toos ah oo uga yimid milatariga Xarakada Al-Shabaab, balse muddo kadib dagaalkaas oo u muuqday inuu khasaare adag kasoo gaaray ayaa waxay caradoodii kala dul dheceen tuulada.

Dadka ku dhaqan tuulada Raqayle ayaa sheegay in ka badan 10 madfac iney kusoo dheceen ayna sababeen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xaaji Muuse Maxamad Aadan oo ah nin oday ah oo ku dhaqan tuulada ayaa xaqiijiyay in duqeynta ay ku dhimatay gabar yar oo 4 sano jir ah oo uu nin dariskiisa ah dhalay iyo 8 kale oo dhaawac ah oo ay ku jiraan qaar caruurtiisa ah.

Ciidamada shisheeye iyo kuwa DF ayaa dhaqan ka dhigtay mar walboo ay wax yeello gaarto iney ka aar goostaan dadka maatida ah sida haweenka, caruurta iyo waayeelka.

Mareykanka ayaa horey Bariire ugu dilay 11 qof oo beeraley ahaa  kuwaasoo uu ku sheegay iney Al-Shabaab ahaayeen.

You might also like
1 Comment
  1. Abufatima says

    Bahal weeye gaaladu an bixin ruux bilaah qiraye
    Hadii adan baroon iyo jantiyo buube Kula jeensan
    Way kugu biqleeyaan sidii baqal dameeraade
    Beejaale gaal urahayaan balama dhawrayne
    Tareesada hadaan lagu bilbilin ciida wuu bi.ine
    Bulshayahay kacoo dirira gaalku waa bixine

Leave A Reply

Your email address will not be published.