Tahallukada Tahriibka iyo Wacyi gelin ku socota Dhalinyarada. (Dhagayso Warbixin)
Soomaaliya, waa dal muslim ah oo dhaca geeska Africa, waana wadan hodan ku ah kheyraad farabadan oo uu Alle ku manneystay dadka degan. Inkastoo uu dalkn deris la yahay wadamo horar ah oo doonaya iney liqaan bulshada Soomaaliyed, hadana maciyada Alle thuma halganka wiilasha dhulkan, waxay Soomaalidu ku guuleysteen iney ilaashadaan diintooda iyo jiritaankooda.
Marka laga hadlo bulsha weynta Soomaaliyeed, 70% waxaa lagu qiyaasaa iney yihiin dad dhalinyaro ah oo u dhexeeya da’da afartanka illaa 15-ka, sidaas darteed duullaannada ay reer galbeedku iyo kaaliyaashooda soo qaadeen wuxuu intiisa badan ku wajahnaa dhalinyarada.
Duulaanka lagu soo qaaday dalka iyo dadkiisaba, wuxuu leeyahay wejiyo kala duwan, qaar waa duullaan millitery oo toos ah, kuwana waa dhanka maskaxda, midkan ayaana halistiisu aad u ballaaarantahay, sida ay sheegayaan aqoonyahannada Soomaaliyeed.
Usluub kamid ah asaaliibta dagaalka dhanka maskaxda ah ee lagu soo qaaday umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaradeeda waa in laga dhaadhiciyay inaan lagu noolaan karin Soomaaliya, sidaas darteed ay tahay iney u tahriibaan dalalka Shisheeyaha.
Tan iyo billowgii sagaashameeyadii, dad badan oo Soomaali ah ayaa ka baxay dalka, iyagoo safaro tahalluko ah ku tagay wadamo dhowr ah oo Shisheeye, sida Kenya, Itoobiya, Yurub iyo meelo kale.
Muuqaalka dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriibya, badana ay doonidoda kula degeyso badda, ayaa inta badan caadi ka noqday Caalamka, mid kamid ah safarada tahriibka ee ugu halista badanna waa Liibiya, halkaas oo ay dhalinyaradu doonayaan iney kaga sii gudbaan wadamada Yurub.
Sahal ma ahan tagitaanka Liibiya, wuxuu qofku ka gudbayaa wadamo dhowr ah oo ay kamid tahay Itoobiya, Yaman, Suudaan, si uu u gaaro Liibiya oo ah boosteejada rasmiga ah ee looga gudbo Yurub.
Soomaaliya, waa dal muslim ah oo dhaca geeska Africa, waana wadan hodan ku ah kheyraad farabadan oo uu Alle ku manneystay dadka degan. Inkastoo uu dalkn deris la yahay