Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afqaanistaan Oo isku day dil ka badbaaday.
Scott Miller oo ah taliyaha ciidamada Maraykanka ee duulaanka ku jooga wadanka Afqaanistaan iyo masuuliyiin kale ayaa ka badbaaday isku dey lagu khal khal geliyay noloshooda.
Miller, wasiiradda Gaashandhiga, ku xigeenka wasiirka arimaha gudaha iyo gudoomiyaha gooblka Qazni ayaa meel uu kulan kaga socday waxaa lagu garaacay sawaariikhda nooca ridada dheer.
Kulanka waxa uu ka socday xarunta maamulka ee magaalada Qazni, waxaana markii ay sawaariikhdu soo dheceen gebi ahaaba lagu kala cararay kulanka.
War kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxay ku sheegatay masuuliyadda weerarkan, iyadoona sheegtay inuu jiro khasaare kala duwan oo gaaray dadkii ku sugnaa xarunta maamulka Qazni.
Ma ahan markii ugu horeysay ee taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afqaanistaan uu la kulmo weeraro lagu doonayay in aduunka lagu dhaafiyo, waxaana isku deygii u dambeeyay aad u hadal haya warbaahinta Maraykanka iyo kuwa reer galbeedka.