Taliyaha Police-ka Gaalkacyo oo Dhaawacmay.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa qarax xoogan lagula eegtay taliyaha Police-ka magaalada u qaabilsan maamulka Galmudug oo lagu magacaabo Cawil Nuur oo ku magac dheer Cawil Tubaako.

Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan, waxaana laga maqlay qeybo badan oo katirsan xaafadaha magaalada.

Ilo lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in taliyaha uu gaaray dhaawac halis ah, islamarkaana la dhigay isbitaalka, si loo daweeyo.

Magaalada Gaalkacyo waxaa kusoo kordhaya maalmihii tagay weerarada qorsheysan ee lagu ugaarsanayo madaxda sar sare ee maamulka Galmudug, waxaana masuuliyada weeraradaas sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.