Weeraro xoogan oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in weeraro xoogan ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah weerarada ayaa ahaa kuwa waaweyn, waxaana suuragal ah iney geysteen khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawacba.

Mid kamid ah labada howlgal waxa uu ahaa qarax xoogan, waxaana uu ka dhacay kasoo horjeedka xero ciidan oo ay ku suganyihiin askar katirsan kooxda Suufida.

Lama hayo faafaahin dheeri ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashey weeraradan ay masuuliyadeedu ka dambeyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Magaalada waxaa gacanta ku haya maamulka Suufida ee gacan saarka dhow la leh Xabashida Itoobiya, waxaana dhawaan booqasho ku tagay xubno katirsan dowladda oo uu kamid yahay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.