24 Saac Gudahood, Toogasho labaad oo ka dhacday Maraykanka.
Wadanka Maraykanka waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay toogasho khasaare badan dhalisay, kuwaas oo ay la kulmeen muwaadiniin Maraykan ah.
Qof hubeysan ayaa toogasho ka geystay magaalada Dayton ee gobolka Ohio ee Maraykanka, waxaana ku dhintay ugu yaraan 9 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 16 kale.
Police-ka gobolka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegaya in toogashadu ay ka dahcday goob aad loo buuxay oo ay dadku ku qabsadaan ciyaaraha madadaallada.
Ciidamada Police-ka ayaa toogtay qofka hubeysan ee weerarka geystay, mana ka hadlin Police-ka nooca weeerarka iyo haddii uu yahay midka ay reer galbeedku ku tilmaamaan “weerar argagaxiso” oo ay ula jeedaan kuwa ay fuliyaan dadka muslimiinta ah.
Waa weerarkii labaad oo saacado gudahood ka dhaca wadanka Maraykanka, waxaana gobol Texas ka dhacay weerar kale oo lagu dilay ugu yaraan 20 ruux.