Maraykanka oo in ku dhaw 20 qof rayid ah ku dilay Afghaanistaan.

Nin kamid ah dadka dhintay

Wadanka Afgaanistaan waxaa wali ka socda xasuuqa ka dhanka ah dadka Muslimiinta ah oo ay gaysanayaan ciidamada Maraykanka ee ku jabay duulaanka gardarada ah ee lagu qaaday dalkaasi.

Duqeymo ay fuliyeen diyaaraddaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan “Drones” ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Labaatan ruux oo kamid ah Dadka Muslimiinta ah ee Afgaanistaan.

Mid kamid ah duqeymaha Maraykanka oo ka dhacay Magaalada Tariinkoot oo katirsan Gobalka Roozjaan ee koonfurta Dalka Afgaanistaan ayaa waxaa ku dhintay 13 qof rayid ah oo ay ku jireen laba caruur ah.

Deegaanno badan oo katirsan Gobalka islamarkaana hoostaga Magaalada Tariinkood ayaa waayahaan danbe waxaa ka socday weerarada ay gaysanayaan diyaaraha Maraykanka, waxaana khasaarihii ugu danbeeyay ee soo gaaray dadka rayidka ah ka tacsiyeeyay imaarada islaamiga ah ee Afgaanistaan oo looga bartay inay u aar gudo dadka ku baxay gacanta isbahaysiga ku duulay afgaanistaan.

Gobalka Rozjaan oo ah gobal ku caan ah wax soo saarka Beeraha ayaa waxa uu bartilmaameed unoqday weerarada ciidamada Maraykanka iyadoo lagu cabsi galinayo Beeralayda sida ay sheegtay imaarada Afgaanistaan.

“Weeraradan xaqdarada ah, ee cadowgu uu ku beegsaday shacabka wuxuu fidiyay cabsida iyo argagaxa lagu hayo gobolka, si qof beeralay ah uusan u awoodin inuu utago beertiisa oo uu tacbado islamarkaana hagaajisto”ayaa Lagu yiri war lagu qoray bar intertnetka ah oo tabisa wararka Dhaalibaan.

Qaar kamid ah sawirada dadka ku dhintay duqeynta Maraykanka ayaa la baahiyay iyadoo ay aad ucaraysan yihiin reer afgaanistaan iyo ehalada dadka oo aysan ku cusbeyn cadowtooyada Maraykanka.

Dhinaca kale diyaaradaha Maraykanka waxay duqeeyeen isbitaal ku yaalla Gobalka Gazni ee Afgaanistaan.
Duqeynta oo ka dhacday Magaalada Khuujiyaani ee Gobalka Gazni oo ku jirta Gacanta Dhaalibaan ayaa waxaa ku dhaawacmay 7 Qof rayid ah oo ay ku jireen Laba Haween iyo Afar Caruur.

Duqeyntaan oo shalay galab Casirkii dhacday ayaa waxaa ku burburay qeyb kamid ah isbitaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.