40 Ruux oo ku dhintay duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Liibiya, Xilli ay joogeen Xaflad Aroos.

Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa ku waramaya in diyaaradaha dagaal ooge Khaliifa Xaftar ay geysteen duqeyn diyaaradeed oo khasaare ba’an dhalisay, taas oo lagu garaacay goob ay ka dhaceysay xaflad aroos.

Duqeyntan argagaxa badan waxay ka dhacday magaalada Murzuq oo dhacda koonfur galbeed dalka Liibiya, waxaana ay dhacday xilli ay dadku ay faraxsanaayeen, oo ay ka qeygalayeen munaasabad Aroos.

Ugu yaraan 40 ruux ayaa la xaqiijiyay iney goobta ku dhinteen, halka afartameeyo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Goobjoogayaasha qaar ayaa shaaca ka qaaday in diyaaraddu ay 4 gantaal la dhacday guriga ay  xafladdu ka dahceysay, waxaana inta badan dadkii meesha joogay ay noqdeen wax dhinta iyo wax dhaawacma.

Dhacdadan waxaa aad looga hadal hayaa guud ahaan Liibiya, gaar ahaan magaalada Murzuq oo marar badan ay ka dheceen duqeymo ceynkan ah oo ay geysteen diyaaradaha dagaal ooge Khaliifa Xaftar oo ay taageerayaan dowladaha Faransiiska iyo Maraykanka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.