Ciidamada Bankrafta Oo lagu weeraray Shabeellaha hoose.

Ciidamada daacadda u ah Maraykanka ee Bankrafta ayaa maanta weeraro adag kula kulmay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose, halkaas ooa y ku socdaalayeen.

Wararka naga soo gaaraya nawaaxiga degmada Awdheegle ee Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in weeraro culus oo jidgal ah ay la kulmeen ciidamada Bankraft xilli ay ku safrayeen nawaaxiga degmada.

Ilo wareedyo gaar ah oo la hadlay Al-Furqaan ayaa xaqiijiyay in ciidamada Bankrafta uu gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamada Bankrafta ayaa la laabtay meydad iyo dhaawacyo tiro ah, sida ay xaqiijinayaan xogaha aynu heleyno.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.