Ciidamada Jabuuti Oo gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in magaalada ay gaareen ciidamo katirsan kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah Shisheeyaha AMISOM ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Guutooyinkan katirsna ciidamada Jabuutiyaanka oo ay Soomaalidu u taqaano Hiil Gumeysi ayaa soo maray magaalada Guraceel, waxaana lagu wadaa iney sal dhigtaan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo laga fara maroojiyay kooxda Suufida.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda, iyo xillibaannada baarlamaanka ayaa soo dhaweeyey ciidamada Jabuuti oo hadda ku sugan garoonka kubadda cagta ee magaalada Dhuusamareeb.

Arintan ayaa muujineysa in magaalada Dhuusamareeb ay si toos ah ugu gacan gashey dowladda federaalka oo looga awood roonaaday kooxda Suufida.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.