Ciidamada Shisheeyaha Oo duqeeyey beeraha Jannaale.(Sawirro)

Degmada Jannaale ee wilaayada islaamiga ee Shabeellaha hoose waxaa ka dhacay duqeymo ay geysteen ciidamada Shisheeyaha ee jooga deegaanka Danow oo u dhow Jannaale.

Duqeymahan ay Shisheeyuhu adeegsadaan hubka cul culus ee hoobiyaasha iyo Tangiyada ayaa intooda badan ku dhacay beeraha Jannaale, waxaana ay waxyeello gaartay dalagii ku yaalay beeraha.

Wariyaal katirsan Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa booqday goobihii ay duqeymuhu ka dheceen, waxayna indahahooda ku arkeen raadadkii duqeymaha, iyagoona Sawirro kasoo qaaday.

Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale ciidamada Shisheeyaha ay duqeeyeen beeraha hoosyimaada Jannaale, waxaana dadka beeraleyda ah ay sheegeen in loo diidanyahay nabadda iyo wanaaga ay ku noolyihiin.

Halkan ka dhagayso Beeralleyda Jannaale oo ka sheekeynaya duqeymaha loo geystay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.