Dad badan oo ku dhintay Toogasho ka dhacday Maraykanka.

Markale dalka Maraykanka waxaa ka dhacay Toogasho ay ku dhinteen dad badan xili dalkaasi uu yahay wadan ay si joogto ah kaga dhacaann dilalka ay isku gaystaan muwaadiniinta Maraykanka.

Wararka ay tabinayaan warbaahinta Gudaha Maraykanka ayaa sheegaya  20 qof inay dhinteen 26 kalena ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday suuq laga dukaameysto oo ku yaalla koonfurta magaalada El Paso ee gobalka Texas dalka Maraykanka,

Goor sii horreysay, shabakadda CBS ayaa soo xigatay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Texas kaasi oo sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen 15 qof in kastoo markii danbe ay korartay dhimashada oo ay gaartay 20 ruux.

Sarkaalkaan katirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay inay xireen nin caddaan ah oo 20 sanno jir ah kaasi oo gaystay weerarka ay ku dhinteen dadka badan.

waxuu adeegsaday qoryo daran doori udhaca isagoo wata qasnado badan sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii ka badbaaday weerarkaasi.

Xubno kale oo katirsan maamulka magaalada dadka lagu laayay ayaa sheegaya inay xireen saddex nin oo ay tuhunsanyihiin inay ku lug lahaayeen weerarka.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wargaliyay dhacdadan.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in Donald Trump uu xeriir taleefan la sameeyay wakiiladiisa gobalka iyo laamaha ammaanka isagoo ugu baaqay in weerarka la baaro oo la adkeeyo ammaanka muwaadiniinta Maraykanka oo sanad kasta iska dila kumanaan dad ah.

“Toogashada ka dhacday El Paso aad ayaan ugu xunahay waxaa jira dhimasho badan”ayuu Trump soo dhigay Bartiisa Twitterka.

Idaacadaha Mareykanka ayaa baahiyay muuqaallo Muujinaya weerarka uu gaystay ninkaan waxaana la arkayay ciidamo badan oo boolis ah kuwaasi oo gaaray goobta.

Mareykanka badanaa waxaa ka dhaca toogashooyin uu ku daato dhiig.

Maalintii Axada ee la soo dhaafay, seddex qof, oo uu ku jiro wiil lix jir ah ayaa ku dhintay toogasho uu gaystay Nin 19 jir ah oo gudaha ugalay goob Laga cunteeyo oo ku taalla Gobalka California.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.