Dagaallo Culus oo ka socda IDLIB wadanka Suuriya.

Wararka ka imaanaya wuqooyiga dalka Suuriya ayaa ku waramaya iney socdaan dagaallo waaweyn oo dhexmaraya kooxaha Jihaadiyiinta iyo kacdoon wadayaasha oo is kaashanaya oo dhinac ah iyo ciidamada Nidaamka Nuseyriyada oo helaya taageerada Ruushka iyo Rawaafida.
Dagaalladan oo ah kuwa qaraar, la iskuna adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa intooda badan waxay ka dhacayaan galbeedka magaalada Khaan Sheykhuun ee gobolka Idlib, halkaas oo ay dhawaan soo gaareen ciidamada Nuseyriyada.
Diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Nidaamka ayaa geysanaya duqeymo wuxuushnimo oo aan kala sooceyn ciidan iyo shacab, kuwaas oo badankood ka dhacaya nawaaxiga magaalada Khaan Sheykhuun, balse wax isbedel ah kuma keenin dagaallada socda.
Dhamaan Jamaacaadka jihaadiga ah iyo kuwa kacdoon wadayaasha ayaa ka qeybgalaya dagaallada, sida ay sheegayaan dadka soo tabinaya wararka kacdoonka Suuriya.
Labo weerar oo Nafhurnimo ah, islamarkaana ay fuliyeen dagaalyahanno katirsan Taxriiru-Shaam ayaa dhacay tan iyo shalay, kuwaas oo gallaaftay nolosha askar badan oo Nuseyriyo ah.
Afhayeen u hadlay jamaacaadka dagaallamaya wuxuu sheegay iney ka go’antahay iney difaacaan deegaannada wuqooyiga Suuriya oo ay ku noolyihiin malaayiin ruux oo muslimiin ah, oo qaarkood kasoo barakacay gobollo kala duwan, tan iyo kacdoonku billowday.
Dagaallada waxaa ka qeybgalaya shacabka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo sheegaya in dagaalku yahay mid masiiri ah, ayna muhiim tahay in qof weliba oo awooda inuu qaado hubka uu kaalintiisa kasoo baxo.
Waxaa dhanka kale socda xamalaad ballaaran oo infaaq ah, kuwaas oo lagu uruurinayo lacago iyo hanti loo isticmaalo ka hortaga Nuseyriyada duulaanka ah, waxaana taasi muujineysaa sida ay dadku uga go’antahay iney iska difaacaan Nuseyriyada.
Dagaallo kuwaas oo lamid ah ayaa ka socda gobolka Xammaah oo ay deris yihiin Idlib, waxaana la ogeyn sida ay ku dambeyn doonto xaaladda wuqooyiga Suuriya, oo wajaheysa shirqoollo kala duwan oo lagu doonayo in lagu xidada siibo Jihaadka iyo kacdoonka wadankaas.