DEG-DEG: Cabdi-raxmaan Yiriisow oo u dhintay Dhaawicii weerarkii Xarunta gobolka Banaadir.
Cabdi-raxmaan Yiriisow oo ahaa gudoomiyihii gobolka Banaadir ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray weerar dhawaan ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Yiriisow oo lagu dabiibayay isbitaal ku yaala wadanka Qadar, oo dhawaan loo qaaday markii xaaladiisa wax looga qaban waayay Soomaaliya ayaa si toos ah loo xaqiijiyay geeridiisa.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir, oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka ayaa waxaa gaaray dhaawac halis, kadib markii dhawaan weerar qarax ah oo si aad ah loo qorsheeyey, horeyna loogu sii diyaariyay xarunta maamulka gobolka Banaadir uu ku qarxay.
Weerarkan oo dhacay 24 bishii aynu soo dhaafnay ee todobaad, ayaa gallaftay nolosha xubno muhiim u ah dowladda federaalka oo ay ku jireen gudoomiyaal dego, iyadoona Yiriisow gudoomiyihii gobolka Banaadir uu hadda geeriyooday.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan, ayaa sheegtay in hadafku ahaa Jemes Swam oo ah ergeyga qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.