Dhaalibaan Oo la wareegtay inta badan magaalada Qunduuz.
Weeraro ballaaran ayay ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ku qaadeen magaalada Qunduuz oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dhaca wuqooyiga wadanka.
Wararka ka imaanaya Qunduuz ayaa sheegaya in qeybo badan oo kamid ah magaalada ay hadda gudaha u galeen ciidamada Dhaalibaan, kadib dagaallo adag soo billowday waaberigii hore ee saaka.
Afhayeenka Dhaalibaan Dabiixullaahil Mujaahid ayaa war kooban oo uu soo dhigay Twitterka wuxuu ku sheegay in ciidamadooda ay baacsanayaan kuwa xukuumadda Kaabul, ayna gudaha magaalada ka wadaan howlgallo uu ku sheegay kuwa qorsheysan.
Guutooyin milliteri oo katirsan ciidamada dowladda ayaa isku soo dhiibay Mujaahidiinta, kadib markii la go’doomiyay, xaalad adagna ay soo wajahday.
La soco wixii soo kordha..